Skip to main content

Jaceelkii kabilaawday khalad WhatsApp ah.(sheeko)

Jacaylkii Ka Bilaabmay Khalad WhatsApp Ah

Love Story

Maalin Jimce ah oo qorraxdu sii dhacayso, Ayaan ayaa si qalad ah fariin ugu dirtay nambar aysan aqoon. Fariintu waxay ahayd mid ay u waday saaxiibteed: “Wallahi maanta waan ku daalay, qofkaaan jeclahayna ma fahmayo dareenkayga.” Laakiin fariintii waxay u dirtay nin aan waligeed horay u maqal—Axmed.

Axmed markii uu akhriyay fariinta, halkii uu ku celin lahaa: “Nambar khaldan baad dirtay,” wuxuu ku qoray: “Haddii aad rabto qof ku fahma, aniga waan ku maqli karaa.”

Ayaan waa ka yaabtay, laakiin qosol ayaa ka soo booday. Halkaas ayayna sheekadoodu ka bilaabatay. Waxay bilaabeen inay ka sheekeystaan nolol, riyooyin, iyo waxa qalbiyadooda ku jira. In kasta oo aanay is arag, haddana waxay dareemeen isku xirnaan xooggan.

Maalintii Kulankooda Koowaad

First Meeting

Maalmo kadib, waxay ku heshiiyeen inay ku kulmaan jardiin ku ag yaal xeebta Liido. Ayaan waxay ahayd mid walaacsan, laakiin qalbigeedu wuxuu dareemayay in qof ay sugaysay uu halkaas joogo.

Axmed markii uu arkay, wuu la yaabay quruxdeeda dabiiciga ah. Hal mar ayuu is yidhi: “Qaladka WhatsApp-ka ahaa, Ilaahay baa igu hibeeyay.” Waxay socdeen, qosleen, oo sheekeysteen. Waxaa markaas bilowday jacayl dhab ah.

Dhib Iyo Farxad

Jacaylkoodu ma ahayn mid ku dhisan keliya fariimo phone, waxay noqotay xiriir ay ku jiraan isku day, faham, iyo kalgacal. Mararka qaar Ayaan waxay ka baqday in ay u fur furan tahay, laakiin Axmed wuxuu ugu sheegay hadal ay weligeed xasuusato:

“Qofka xaqa kuu jecel, wuu kuu sugayaa ilaa aad diyaar noqoto.”

Gunaanad

Sannad kadib, waxay noqdeen lammaane caan ku ah jacayl dhowrsan oo ka bilaabmay fariin qaldan. Qaladkaas yar wuxuu noqday mid beddelay nolol dhan.

Copyright © Affilink252 – All Rights Reserved

Comments

Popular posts from this blog

Pineal xt

🌿 Pineal XT — Boost Your Mind & Energy Af-Soomaali: Pineal XT waa supplement dabiici ah oo kaa caawin kara nadiifinta maskaxda, kor u qaadista tamarta, iyo hurdo fiican. Waxay ka kooban tahay geedo iyo nafaqooyin dabiici ah oo la isku halayn karo. English: Pineal XT is a natural supplement formulated to enhance mental clarity, boost energy, and promote restful sleep using trusted herbal ingredients. ✅ Boosts mental clarity / Maskaxda iftiimisa ✅ Supports natural energy / Tamarta dabiiciga ah ✅ Promotes restful sleep / Hurdo raaxo leh 🛒 Iibso Hadda — Order Now ⭐ Disclosure / Ogaysiis: Qoraalkan waxa ku jira affiliate links — haddii aad wax ka iibsatid, aniga waxaa laga yaabaa in aan ka helo komishan. This post contains affiliate links; I may earn a commission at no extra cost to you.

Freelancing

- Freelancing --> 💻 Sida Lacag Looga Sameeyo Freelancing – Xirfadaha Ugu Fudud Ee Bilaabasho Freelancing waa habka ugu fudud ee qof walba uu ku bilaabi karo kasbashada lacagta online-ka ah. Uma baahna shirkad ama xafiis — waxaad u baahan tahay kaliya xirfad iyo internet 📶. 💡 Tusaale Xirfado Fudud oo Bilaabasho Leh: ✍️ Writing & Translation – Qorista maqaallo, turjumaad, captions iwm. 🎨 Graphic Design – Samaynta sawirro, logo, ama postyo social media. 💻 Virtual Assistant – Ka caawin shirkadaha jadwalka & email-ka. 📱 Social Media Manager – Maamulida account-yada Facebook ama TikTok. 🌐 Goobaha Ugu Fiican Ee Laga Bilaabo: Fiverr.com Upwork.com Freelancer.com 💰 Talo: Bilow si tartiib ah, samee profile soo jiidasho leh, muuji shaqooyinka aad qaban karto, kadibna lacagta si tartiib ah ayey u bilaaban doontaa! “Xirfadda aad maanta barato, ber...

"Laser Cat Toy Review – The Ultimate Play & Safety Guide by Affilink252"

Best Interactive Cat Toy Pointer – Review & Guide Best Interactive Cat Toy Pointer – A Fun & Safe Way to Keep Your Pets Active Updated: 2025 • Affiliate link included Keeping indoor pets active is one of the most important parts of responsible pet care. The USB Rechargeable Cat Toy Pointer offers a compact, user-friendly solution to keep cats (and curious small dogs) entertained and moving throughout the day. This guide covers the product’s main features, daily benefits, and practical tips to safely introduce the toy to your pet routine. Key Features Rechargeable and compact: A USB rechargeable battery eliminates the need for disposable batteries and makes the toy travel-friendly. Multiple patterns: Offers several adjustable light patterns and motion modes to keep your cat curious and engaged. Safe design: Low-power laser/LED output designed for pet play, not ...